Hargeysa(HM):- Qaramada Midoobay (UN) iyo beesha caalamka
ayaa ku amaanay baarlamaanka federaalka ansixinta ra'iisal wasaaraha cusub ee
Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay.
In ka badan 200 xildhibaan ayaa
cod gacan taag ah ugu codeeyay in raysal wasaaraha lasiiyo codka xasaanada.
Qaramada Midoobay waxay Ra'iisul Wasaaraha cusub
ee Soomaaliya, u rajeysay guul madaama uu xilka la wareegayo xilli xasaasi ah
oo uu dalku isku diyaarinayo doorashooyin qaran.
Waxay sheegtay qaramada midoobay inay
taageeradeeda ku bixinayso isku duubnida iyo iskaashiga dowladnimada
Soomaaliya.
Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga
sugayaa muddo kooban gudaheed inuu kusoo magacaabo xukuumad yato leh oo talada
kala wareegta xukuumada raysal wasaaarihii hore ee Soomaaliya.
Hargeysamedia
Hargeysa/office
Beesha Caalamka Oo Soo Dhoweysay Kalsooni Siinta Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya
Beesha Caalamka Oo Soo Dhoweysay Kalsooni Siinta Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya