Hargeysa(HM):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee
Baarlamanka Golaha Shacabka Mahad Cabdulle Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada
ay walaac xooggan ka qabaan qaar kamid ah hogaanka maamul Goboleedyada lagasoo
doorto, maadaama uusan kala dhexeyn is-fahan wanaagsan.
Mudanayaasha qaar ayaa waxa uu sheegay in walaaca ay qabaan
dartii ay keentay iney kuraastoodii u bedeleen, goob aan horay loogasoo dooran.
"Aniga hadda kursigeygii wuxuu transept ku yahay
Galmudug” ayuu Cawad ka yiri munaasabad uu hadal ka jeedinayay,
Sidoo kale madasha oo aheyd goob lagusoo
dhoweynayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu ka
sheegay in loo baahanyahay in hoggaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada aysan la imaan
caburin, u dhiganta mid ay kaga aar gudanayaan doorashada xildhibaannada ay
kala aragtida yihiin.
Cawad oo sii kaftamayay ayaa ku yiri
madaxweynaha Puntland, " Waxaa loo baahanyahay iney idinka nabad-galaan
xildhibaannada deegaannadiina lagasoo dooranayo , haddii kale ma meel marineyno
heshiiska dhowaan Muqdisho lagu gaaray”.
Hadalka Guddoomiye Mahad Cabdalle Cawad ayaa
waxa uu kusoo aadayaa xilli xildhibaannada qaar ay bedesheen deegaankii
kuraastooda lagusoo dooran lahaa.
Hargeysamedia
Hargeysa/office
"Xildhibaanno Badan Ayaa Walaac Ka Qaba Madaxda Maamul Goboleedyada" Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Baarlamanka
"Xildhibaanno Badan Ayaa Walaac Ka Qaba Madaxda Maamul Goboleedyada" Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Baarlamanka