Hargeysa(HM):- Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya
Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la
yeelanayo mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya,
isagoo weydiisanaya iney taageeraan oo ay sii yaan codka kalsoonida.
Rooble ayaa xalay la kulmay
illaa iyo 50 mudane iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,
waxa uuna ka codsaday garab istaag iyo la shaqeyn , sida lagasoo xigtay ilo
goobjoog ahaa oo kulanka ka qeyb galay.
Baarlamanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa
waxaa lagu wadaa in dhowaan la horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban, si uu u
helo codka kalsoonida, kadibna uu u soo dhiso xukuumaddii bedeli laheyd
wasiirrada sida gaarsiinta ah u shaqeeyo.
Ra’iisul wasaaraha magacaaban , haddii uu helo
codka kalsoonida , xukuumaddiisana la meel mariyo waxaa hor-yaalla howl adag oo
ay kamid tahay ka shaqeynta arrimaha doorashada dalka.
Hargeysamedia
Hargeysa/office
Ra'iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin
Ra'iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin