Hargeysa(HM):- Gabar
shan sano jir ahayd ayaa fiidnimadii xalay lagu kufsaday Degmada Kaaraan ee
Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Ehelada gabadha ayaa falkan ku eedeeyay inuu gaystay nin
xaafadda la deganaa, kaasoo sida ay sheegeen gabadha qabsaday, ka dibna
fara-xumeeyay. Sidoo kale waxay sheegeen in dembiilaha uu ka baxsaday xaafadda.
Samiira Yuusuf Maxamed oo ah gabadha uu dhibku soo gaaray
ayaa daryeel ahaan loogu qaaday Isbitaalka Digfeer, baaritaanadana waxaa lagu
xaqiijiyay jiritaanka kufsiga loo gaystay gabadhaasi yar.
Qoyska iyo ehelada gabadha ayaa Dowladda Federaalka ka
dalbaday in sharciga la horkeeno dembiilaha, isla-markaana ay doonayaan inay
cadaalad hellaan.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli toddobaadkii hore
Magaalada Muqdisho kufsi iyo dil la sheegay in loogu gaystay gabar lagu
magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax.
Kufsigan ayaa markale ka careysiiyay shacabka reer Muqdisho,
iyadoona ay dadku si weyn ugu hadalhayaan barraha bulshada ku wada xiriirto.
Hargeysamedia
Hargeysa/office
Gabadh Shan Jir Ahayd Oo Xalay Lagu Kufsaday Muqdisho
Gabadh Shan Jir Ahayd Oo Xalay Lagu Kufsaday Muqdisho