Hargeysa(HM):- Maxamed
Xuseen Rooble, Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalka ayaa Xildhibaanada Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa muuqaal uu soo
dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu marka hore ku sheegay inuu aqbalay xilka uu
u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa si daahfuran codka kalsoonida u
weydiistay inay siiyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, si aan u guto buu yiri
waajibaadkeyga.
"Waxaan doonayaa inaan codka kalsoonida weydiisto Golaha
Shacabka, aniga oo rajeynaya in ay i siin doonaan codka kalsoonida, si aan u
guto waajibaadkeyga, mahadsanidiin." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha cusub ee
dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenkii Khamiista, Maxamed Xuseen
Rooble u magacaabay inuu noqdo Ra'iisal Wasaaraha xigga.
Hargeysamedia
Hargeysa/office
Ra'iisal Wasaaraha Cusub Oo Codsi U Jeediyay Golaha Shacabka
Ra'iisal Wasaaraha Cusub Oo Codsi U Jeediyay Golaha Shacabka