BAAAQ SHACAB, MISE HOOSAASIN, HADOODIL, HAGARDAAMO IYO HANTAAQO QARAN

0
Sunday May 24, 2020 - 23:33:53 in Opinion
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAAQ SHACAB, MISE HOOSAASIN, HADOODIL, HAGARDAAMO IYO HANTAAQO QARAN

    BAAAQ SHACAB, MISE HOOSAASIN, HADOODIL, HAGARDAAMO IYO HANTAAQO QARAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysamedia
BAAAQ SHACAB, MISE HOOSAASIN, HADOODIL, HAGARDAAMO IYO HANTAAQO QARAN Hargeysa (HM) Baryahan waxaa dhegaha shacabka gobta ah ee rer SOMALILAND ka batey dhalinyar kooban, oo kala aragti iyo ujeedo ah qoraal ay soo mariyeen baraha bulshadu ku wada xidhiidho oo ay ugu magac dareen "BAAQ SHACAB".

Hadaba marka aynu eegno cida soo saartey, qaabka loo dhigey, iyo xilliga lagu beegay, waxay muujinayaan dano gaar ah oo qaranka lagu waxyeelaynay taasi oo aynu marar bdn hore usoo aragnay, waana arin ayaan daro ah in cadow kale dhibaatada uu ina gadhsiiyo mid ka weyn muwadiniintu qaranka u geystaan. Waxaana hubaal ah in muwadiniinta qaar ay hagardaamo, dhibaato iyo jaahwareer ku hayaan qaranka. Raga waxaa qorey waa rag dalka ku dhashay, ku barbaarey, ku kobcay, wax ku bartey, ku shaqeysatey , qarkoodna ku tareen, oo aan habeen meelkale ugu dhicin waana ugu beryin.
Hadaba wlaalahay waxan leeyahay dhaliisha xukuumada iyo toosinteedu maaha in ay kaaga qaldanto qaranimada ama ay iskaga kaa ekaato.
Ogsoonow dalkan in dhiig iyo dheecanba loo soo hurey,oo rag kaa garasho fiicnaa, kaa karaamo badnaa, kaa daacadsanaa, kaa geesi sanaa, kaa dal iyo dadnimo jeclaa, kaa aqoon badnaa ay u god galeen ,si aad adigu u noolaato nolol qiimo badan, sharaf leh, xoriyad leh. Intiiba manta wad haysataa alxamdulilaah,(raxmaan ku qabriga ha u nuuro dhamantood).


By: A/rahman Ahmed