Xoriyadda aynu kusoo dhaawaanee , sadex meelood ayaa laggu tilmaamaa in yihiin meelaha ugu muhiimsan xoriyada , kuwaasoo kala ah .
1- Xoriyadda Diinta , Xoriyaddu diintu waa in qofku Diintiisa Islaamka u guto waajibaadkeeda isagoo aan cidna ka cabsanayn in ay ku fara geliso , xoriyadaa macaankeedana waxaa garanaya walaalaha Uighur ee shiinuhu gumaysto , walaalaha Rohinga ee Burmi gumaysato iyo walaalaha Falastiin ee Yuhuudu gumaysto .
2- Xoriyadda hadalka . Xoriyadda hadalkuk waa in qofku fikirkiisa soo bandhigo isagoo aan cidina ku faragelinin , cidina faaf reebin , xoriyada hadalkana waxaa ka midda in qofku soo jeediyo dhaliilo dawlada loo jeediyo isagoo aan dareemayn cabsi iyo cadaadis midna .
3- Xoriyadda Socdaalka . Xoriyadda socdaalku waa in qofku dalkiisa dhexdiisa ku socdaali karro , meeshuu doono booqan karro , dalka dabadiisa u safri karro , markuu doonana uu soo noqon karro iyadoo aan cidina faragelinin .
Somaliland , bisha ramadaan ee barakaysan inagoo ku raaxaysanaya cibaada ilaahay ee aynu ku gudanayno xoriyadda eebe ina siiyey , ayaynu hadana ku raaxaysanaynaa doodaha iyo afkaaraha dadkeenu u doodayo si xoriyadda , isagoo qof waliba rayigiisa usoo bandhigaya sida uu doono isagoo aan cabsoonaynin, waxaynu haysanaa xoriyad , noloshuna waa xoriyad , Ilaahay nimcadiisa ha inoo siyaadiyo .
Hargeysamedia/Hargeysa/Office
'' Xoriyaddu waa nolol , noloshuna waa xoriyad ''
Xoriyaddu waa nolol , noloshuna waa xoriyad W/Q: Ahmeed Nour Guruuje