"HADAL KAAGA U MEEL DAY"

0
Saturday May 16, 2020 - 00:21:42 in Opinion
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "HADAL KAAGA U MEEL DAY"

    HADAL KAAGA U MEEL DAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysamedia
HADAL KAAGA U MEEL DAY
Hargeysa (Hargeysamedi) aMalmahan waxa an baraha bulshadu ku wada xidhiidho ku arkayey hadalo iyo qoraalo badan oo ka imanaya GEBILAY, kuwaas oo aan u arkayey qaarkood in aanay munaasib ku ahayn, cida ay ka soo yeedhay, halka ay soo mariyeen, halka ay ku jihaysneyd, iyo wakhtigaba.

 Deegaanka GEBILAY waxa lagu tiriyaa, dadyowga ugu horumarsan somaliland dhinacyada:
1. Aqoonta
2. Il-baxnimada
3. Dhaqaalaha
4. Nabadda
5. Isku duubnida
6. Ganacsiga
7. Wax soo saarka (dhanka beeraha).
 
Hadaba waxa aad moodaa in dayow fara badani ka muuqdo odhaahahaas iyo qoraaladaasi ceeb fara badana ay usoo jiidayaan deeganka dhaawacna ay gaadhsiinayan  tuhunkii wanagsanaa ee laga qabey.


 hadii aan usoo dhaadhaco nuxurka qoralkeygan waxa uu ku arooraa dhaliilo aan asal raac lahayn oo loo soo jeedinayey wasiirka wasaaradda boosaha iyo is-gadhsiinta SOMALILAND MD. A/WELI SH. A/LAHI SUUFI . oo inta aynu ognahay ah wasiiradda faro ku tiriska ah dhanka aqoonta ee madax weyne MUUSE BIIXI CABDI xukuumadiisa ku jira. isla markaana ah wasiirka keliya ee xirfad yaqaanka ah (technicion) ee fadhiya meeshii uu munaasibka ku ahaa, waxaynu ognahay in wasaaradaasi ay tahay wasaaradaha ugu rabshadaha badan howsha ay qaranka u hayso darteed. Waana wasaaradda ay 10 neeyo wasiir soo mareen xiligii dowladii siilaanyo. Ilaa intii wasiirkan gacanta loo galiyeyna uu u xamaan xidhay sidii uu u tayeyn lahaa, u dhisi lahaa , una howlgalinlahaa shaqada ay wasaaraddu u igmantahy ugana soo dhalaali lahaa, isagoo ka dabaashay caqabadihii iyo jalaafooyinkii wasiiradii hore galaafan jirey, maantana ay wasaaradu ku socoto tubtii saxda ahayd oo ay ugu horeyso:
1. In ay soo saarto dakhliyada ugu badan ee qaranka ka lumi jirey.
2. In ay gacanta dowlada kusoo celiso addegyadda lagama maarmaanka u ah bulshada
3. In ay hubiso(control) taawaradda ay shikaduhu u isticmalaan adeegyada isgadhsiinta si aan waxyeelo uga soo gaadhin shacabka.
4. In ay ku howlantahay sidii ay telephonada shirkaduhu isku wici lahayeen si uu u fududaado xidhiidhka bulshadu. Iwm.

Hadaba marka aad wax dhaliilayso waa in ay ku saleysnaata xaqiida, oo aad wax u dhaliisha si cilmiyeysan, gorfeysaa waxa aad  ka hadlayso, eegtaa wakhtiga munasibka ay ku tahay, iyo meesha aad wax ku dhaliileyso. Waa ayaan daro in masuul qaran ka u adeegaya in lagusoo celiyo reer. oo arimo jifo lagu dhaliilo isagu maaha odey dhaqameed, maaha maayir degmo, mana aha siyaasi. Waxan hubaa ragaa dhaliisha aan meela haysan lasoo taagan in badan kooda aanay wasiirka isba aqoon ee looga sheekeyey, waxna aanay isugu iman. Hadaba  dhalinyartaa waxa an uso jeedinaya in ninkani yahay nin HAYIN AH oo aqooni hageyso,karti leh, ay ka go'antahay in uu qarankiisa meel gaadhsiiyo, dulqaad leh, cudoon oo aan xaqdarada u habran ee hadalkiina u meel daya. Karaamada ha iska qaadina,deeganka ha ceebaynina. Cirdiga , sharafta haldoorkana wasakhda ka daaya, danta khaaska ahna si baa looga hadlaaye sidan wax ka bedela.

Wabilaahi twfiiq

W/Q: Abdirahman Abdirahman Ahmed Colow
Hargeisa Somaliland