Noloshu waa sidda mawjadaha badda Hargesa(Hargeysamedia) Yang Kyoungjong , waxa uu ku dhashay una dhashay wadanka Kuuriya horaantii qarnigii ina dhaafay .
W/Q Ahmed Nur Guruuje:
Mr Yang Kyoungjong sanadkii 1938 ayaa Jabaanka oo markaa xoog ku haystay wadankiisii kuuriya qasab ku qoray askari , ka dibna wuxuu geeyey wadanka shiinaha oo badh ka midda jabaanku haystay .
Yang sanaddo ka dib waxaa loo badalay Gobolkii Manshuuriya oo ah bariga fog ee wadanka shiinaha halkaasoo Ruushka iyo jabaanku isku dilayeen , waxaanu ka mid noqday askar ruushku ku qabsaday dagaal ka dhacay meesha loo yaqaano Khalkhalin 1942 .
Yang isagoo maxbuusa ayaa ruushku u baahday ciidamo markii Jarmalku soo weeraray , waxaana dani ku qasabtay in uu maxaabiistii uu hayay xitaa dagaalka geeyo , waxaana la geeyey meesha la yidhaahdo Kharkov oo ku taala wadanka Yugrayn , si uu jarmalka ugula dagaalamo , iyadoo Kharakov u jirta wadankiisii Kuuriya qiyaas ahaan 7 kun oo km .
Mar kale , Yang waxaa laggu qabtay Kharkov waxaana qabtay ciidamadii jarmalka , waxaanu noqday maxbuus dagaal oo u xidhan jarmalka .
1944 markii dagaalkii labaad ee aduunku gaadhay meeshii ugu adkayd , Jarmalkana xaaladdu ku adkaatay wuxuu maxaabistii qaar ka midda ku daray ciidankiisii , sidaa darteed yang wuxuu mar kale noqday ciidamadii Jarmalka waxaana la geeyey galbeedka wadanka faransiiska .
Ugu dambayn , markii ciidamadii is bahaysigga ee Maraykanku hor kacayeen ay kasoo dageen xeebaha Normandy ee uu dhacay dagaalkii waynaa ee loo bixiyey D-Day , mar kale Yang waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii maraykanka , waxaanu noqday maxbuus maraykan .
Markii dagaalki dhamaaday , maxaabiistiina lasii daayay , Yang wuxuu noqday Sea man , waxaanu kusoo wareegay Aduunka , muddo ka dibna wuxuu degey wadanka maraykanka , dhalashada wadanka maraykankana wuu qaatay .
Ugu dambayn qisadda ninkan waxaa lagga sameeyey Film aad u xiiso badan oo loo bixiyey my way , sidoo kale nin taariikhyahana oo loo yaqaano Antony beevor ayaa ka qoray buug uu u bixiyey The socon world war .
Dhacdooyinka la xidhiidha taarikh nololeedkan ninkan Yang Kyoungjong , waxay ku tusayaan sidda ay tahay dabeecadda runta ah ee noloshu , sidaa darteed akhriste waa in aad fahamtaa in noloshu tahay sidda mawjadaha badwaynta , hadbana ay meel ku dhigayso , keliya waxa adiga lagaa rabaana ay tahay in hadba meesha aad joogto aad si fiican ula qabsato .
Noloshu waa sidda mawjadaha badda
Noloshu waa sidda mawjadaha badda