"Hiigsi & Horumar Somaliland"

0
Thursday May 14, 2020 - 00:30:48 in Opinion
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hiigsi & Horumar Somaliland"

    Hiigsi & Horumar Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysamedia
Hiigsi & Horumar Somaliland
Hargeysamedia: Alle ayaa mahad leh, mar haddii maanta dalkeenii hooyo lagu furay warshadii ugu horaysay, ee soo saarta daqiiqda, waa horu mar inoo soo kordhay, taasina waxay ku timid, markii ay dadkeenu fahmeen qiimaha ay leedahay maalgashiga shishiiye.

Waxaan rajaynaa in dalkeenu wuu noqon doono dal hodan ah, waxa iyana jirta war kale oo farxadeed oo ah in warshadii "sibidhka iyana la wado" waxa kale oo iyana la wadaa warshadii soo saaraysay kaluunka, waa talaabooyin horumarineed oo aynu qaadnay.


Marka ay warshadaha wax soo saarku bataan waxa yaraanaya dhalinayarada bilaa camal ka ah ee wadankeena waayo warshad kasta, waxay qaadanaysaa, shaqaale aad u tiro badan, warshaduhu waxay samaynayaa shaqo abuur aad u badan.

Waxaan rajaynayaa mustaqbalka dhaw in ay warshaduhu soo bataan sida warshadihii samaynay "sonkorta bariiska, shaaha madow IWM"

Alle dalka ha inoo barakeeyo nabadana ha inoo adkeeyo, waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa cid kasta oo dalka maalgalinaysa si aynu horumar balaadhan u gaadhno.
Alle ayaa mahad iska leh.

Hargeysamedia
Hargeysa office